Kaalayoo ii kaalayee
Kaamilaay ii kaalayee
Korkaagan macaaniyo
Kashkiyo laabta isaar

Magacaygu kaafi weeye
Kismaayaan ka imidoo
Nin kaftama ma ahi
Luuqaddeena kuma hadlo
Kaamilooy la'aantaa
Ka qaboo adduunka
Kalgacaylkan ila qabo
Kaala ii imoow
Kali iima rooonee
Kaftankaagaan doonayaayee
Kaala ila dheel
Kurbadaan ihaysana
Kaala iga gooy

Kaalayoo ii kaalayee
Kaamilooy ii kaalayee
Korkaagan macaaniyo
Kashkiyo laabta igu qabo

Kaamilooy abaayo
Dunidaan haweenkii
Adaan kaa arkoodoo
Adaan kaa jeclaadee
Adaan kaala soo baxoo
Adaan kuu kifaaxee
Kalgacaylkan ila qabo

Kaalayoo ii kaalayee
Kaamilooy ii kaalayee
Korkaagan macaaniyo
Kashkiyo laabta igu qabo

Adduunkan dhammaan
21 kow sano
Waxaan ku noolaaba
Dhowrsano kullaafyood
Midaan adi kula simo
Weligeey kumaan arag
Kaamilooy abaayo
Ragiyo dumar
Waa la isu abuureee
Calaf ha igu kaasimo
Haddii aan kuwaayo
Bukan baan ahayee
Kadeedka kalgacalka
Kashiyo lafaha igu qabo

Kaalayoo ii kaalayee
Kaamilooy ii kaalayee
Korkaagan macaaniyo
Kashkiyo laabta igu qabo

Kaamilooy abaayo
Kuligood haweenka
Adaan kaala soo baxay
Kaligaaga mooyee
Ruux kale dooni mooyee
Kuniyo kow jeer adigaan kujeclehee
Kibirka igaddaaa

Kaalayoo ii kaalayee
Kaamilooy ii kaalayee
Korkaagan macaaniyo
Kashkiyo laabta igu qabo

Kaalay ila dheel
Kaala ii imoow
Kaligeey ma roonee
Kaalay iii imoow
Kulankaagaan dooonayaaye
Kaala ila dheel

Exit mobile version