Hobeeyaa hiddiidii hobeeyaa 3x

Dumar badankood
Baa caddaadheh
Oo bidhaaniyo
Bilic hubsaday
Hiddii hoobeey hoobeey hiddii hoobeeey

Wallee boholyoow
Baryo qabi jiray
Baad bogsiisoo
Booga dhaya iyo
Ruux baxnaana leh
Basraay ii tahay
Hoobeey hiddii hoobeey

Taan boqradayee
Ku baraaray
Inaan bara iyo
Bedka keenaan
Ubaxdoobaye
Baryo ii samir
Hoobeeey

Bilaad quruxbaad
Bilis dheertahoo
Baalka dahabkiyo
Buugga taariikhdaa
Basraay kuu qoray Hiddii hoobeey
Hoobeey hiddii hoobeey

Bu'da araggiyo
Basarkaygaa
Ku basaasoo
Qalbigaa bilan
Baaxad weyniyo
Boos ku leedahay
Hoobeey hoobeey hiddii hoobeey

Taan boqradayee
Ku baraaray
Inaan bara iyo
Bedka keenaan
Ubaxdoobaye
Baryo ii samir

Exit mobile version