Gaduudiyo ???????????
Gaddiisaaa galkaa lagudboontahoo garashiyo hankaad gobaad dheertahoo idilkood gabdhuhu kugu gaarahayn

Gacmo dheefsaniyo
Garaaraha galay
Dareenkay gudbin
Sow waxa godlee
Laabtayda gubay
Inuu yahay sow ma garan

Gacalooy jacaylkan
Guudmaray dhanki
Naftaad gelisayoo
Gilgishayee qalpiga
Ha go'doomin adaan gayaan kaa xigsadayee

Timaha garabkiyo dhexda godaniyo
Gaari dhabarkaa
Dareen ii gashoo
Inuu gacalooy
Guulle kaa dhigay
Geenyo uguboo
Qoorto geri tahay

Kuuna garawsani
Oona garawsani
Gaari camaliyo
Dhaqan goobanoo
Garaar faaxanoo
Guur u qalantaa
Ku garowsaniyee

Gacalooy jacaylkan
Guudmaray dhanki
Naftaad gelisayoo
Gilgishayee qalpiga
Ha go'doomin adaan gayaan kaa xigsadayee

Exit mobile version