ratiga lagu xidhay ratiga
ratigaan kor u hayaa
rabaa ina siiyay ubad
adiga kaa raacay dhaqan
quruxna ramas soo bixiyo
rucubta midhahaa tahee

waxaad tahay roob la dhaca
indhaha raaxaad u tahay
rafiiqna xiskaad u tahay
naftaa ku rabtee miyaa
mid kale kaa raacayaa

runbaan xubi kuu jeclahay
oo rajaan xubi kaa qabaa
raxmada qalbigaad tahee
rayn rayn ifka iigu waar

waxaan rabi kugu galadin
rucliyo orod laguma helo
raguna guul ma hantiyee
hadaan riixaynin dumar
naftaa kugu raysatoo
rasmaan adi kuugu dagay

marwaa tahay raaliyo ah
reerkeena seesbaad u tahay
qalbigu tuu raadiyaay
hadaan kaa jiro rug dheer
riyaan kugu weheshadaa

Exit mobile version