dalsaneey hargaysaay
dugsi lagu hirtaay
dagal nabadi taaliyo
saldhigeeda diintiyo
rug la dago ayaad tahay

imisaa dushaadiyo
dacal kaaga joogoo
neecawdaada dihiniyo
hawadaadu deeqdaa

imisaa dad kaa tagay
dibad jooga oo maqan
duruuf haysa mooyee
doorna kaa maqnaynayn

dalsaneey hargaysaay haahaa hargaysaay
meel kaloon dagaa haahaa haraysaay
miyay dunida kuba taal haahaa hargaysaay

dalsaneey hargaysaay
DEEQLAHA ILAAHBAA
nimco dhigay dushaadoo
laydhaada dihiniyo
ciidaadu waa dahab

damalada dhirtaadiyo
doogiyo caleentaa
daawashada ilqabadka leh
loo soo dalxiisaa

hargaysaay dabayliyo
duufaan ku ruxa iyo
dhul gariir ka daran
DAAIMKAY dhib kaa hay

Exit mobile version