oonbaa biyaha loo cabaa
looma kala kaadsho
uurkaygu wuxuu doonayaan
adiga weeyaane
indhahaygu waxay jecelyihiin
inay ku eegtaane
afkayguna amaantaadu aad utiriyaaye
unugyada jidhkaygaad tahay
iyo udub dhaxaadkiiye
alle idinkiiyoo amini ha
ina kulan siiso

aduunyada ma siisteen
mar qudha aragtidaadiiye
oo aan wadaabayn naftani
ololka daynaynee
ilwaad qurux ayaad leedahoo
uunka kuu qirayee
oo wali adoo kalee
aragaa ma saarinee
ililaha wadnaha iyo
bogaad igaga taalaaye
alle idinkiiyoo
amini ha ina kulan siiso

Exit mobile version