safarbaa latagayaa iyo socoto dheeroo
soonoqod lahaynoo inawada sugaayee
surin waxaa lamarayaa siig iyo dabayloo
suufiga cadceedana saantu kugu dhagaysoo
surmi iyo haraada badan

taawaxaa kadaran taa
halaq micida saydhiyo
saylaha libaaxiyo
abeesbaa susumayoo

sahaydeedu meeshaa
subag iyo saliid maaha
sonkor iyo bariis maaha
caanihii sibraar kiyo
hilibkoo lasolay maaha

ninka seef afwayn iyo
aanu waydan sahay
kama samato baxayee
sidee loo jid marayaa

soorta dunida taala oodhan
sahay deedu taa maaha
waa suqur la waa sanqadhla
waa socoo hasoo noqon

bal aan idin su aalee
maxaad saaka wadataan
subaxaa qiyaamaha
lahor tagayo subxaanka
ninka saaka jeceloow
xilka sahal hamoodine
dhulkan aan ku soconiyo
samaduu kaculus yahay
yuu sibiq idinku galin

Exit mobile version