sankaan kula raacaa
sayloo guyaal badan
soobaxa kaliishii
seelseelna loodagay
sanad geelu badi dhalay
oy sidigtii laalays
nirguhu wali socod baran
reeraha sintoodiyo
kaymo saraar loodhigay
oo igadh ma qaarloo
sabab lagu salaaxoo
saameeshay gaawaha
oo baarqab soo hani
soofeeyey micidoo
ka shanqayey doobtii
kusurmiday saraar godon
saaldaalinaysoo
subuxdii bariisaday
sidoodaan jaleecada
saxan saxan udgoonbadan
sanka kuula raacaa

sagal gaaxaday roob subax
seermaydo soo guray
waaguna ku sara kacay
sare joog nin dhererkii
cad ceeduna lasimantahay
nuurkuna sabootiyey
oo waqalka dalabliyo
guulaamo socotiyo
kala soocaday dhibicdiyo
midab sibaaqiyo
cadaan wada siraatiyo
madow dhalaal xiga
sedexdaa miduu yahay
qof suureeyay kala garan
oo beel sanaagiyo
dul dhigay saraar godon
saadaalinaysoo
bal halkuu ku simiyo
sugayaan inuu helo
subaxii bariisado
sidoodaan jaleecada
sanka kuula raacaa

Exit mobile version