Ma og tahay Siraadey

Caashaqii na siray ee

Sahalka aynu moodnee

Ina saaqay gebigeen

Inuu soo kordhaayoo

Siigiyo dabayl iyo

Soo kiciyay cayryaan

Oon xalay saqdii dhexe

Hurdadii ka salaloon

Soo toosay dhowr jeer

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn

——————————

Ma ogtahay Siraadey

Saddex saniyo dheeraad

Intaa waan ku sugayoo

Nafta waan sasabayee

Berri bay si uun noqon

Saadambay wax kula qaban

Saadaasha geliyee

Sidaan fili jacaylkuna

Adi kuma sal gaarinoo

Waabad sahashanaysaa

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn

—————————

Ma ogtahay Siraadeey

Soomaliyoo idil

Uma sidatid quruxdee

Hablo kula sinmaa jira

Oonan saa u eegine

Waa su’aale kalidaa

Maxaan kaaga sahansaday

Sababtuna waxay tahay

Sambabadiyo beerkiyo

Wadnahaygad suran tahay

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn

Exit mobile version