waheey waaqlaan u baxayoo
cidlaan weehaamayaa
cidlaan wehaamayaayoo
markii aan ku waayay waashee
hadmaynu is weheshan doonaa

weheey waanigan wikinayoo
intaan wiiqmay wehanaaboo
intaan wiiqmay weehaanaaboo
warkaygu caruurtu warisee
hadmaynu is weheshan doonaa

waheey nafsibaa i wada oo
waxyeelada iigu wacan
waxyeelada iigu wacanoo
wadkayga cagaha ku doontoo
hadmaynu is weheshan doonaa

Exit mobile version