labada isku qanacdana nolol wada qorsheystoo
qaybsada jacaylkee qasab maaha caashaqu
adna ha isku kay qorin ha i qal qaashan waligaa
qalbigan qofbaa dagay mana qaado ruux kale
ana kaama qarinoo horaan kuugu qeexee
kuma qaabilaaye iga quuso gabadh yahay
laba qoys wadaagtoo kaamudan qadarinbaad
qalin daar is leedehee ha qafaalin caashaqa
marwo qurux u dhalatiyo raaliyo qadarinlaa
qaadirkay isiiyee adna raadso qayrkale

Exit mobile version