israaiil ma boodeen
bari dhexe intuu dago
birta kuma afayasteeen
waa boqol yuhuudiye
rag baa biirinaayee
baarka u fidhaayee
barqo laguma gaadhen
bada kuma ciyaareen
barbaartana ma laayeen
hadaan muruqa buuxiyo
isticmaarku baal jirinoon
bayda u garaaceeyn
waa bahall gumaystuhu
kala baahsanaantiyo
baylahdaada jeceloo
intu baadka kula helo
kaa bogo qaniinyada
burka kuu dhex galayee
bushimaha dusheediyo
been weeyi nabaduye
baaruuda qiiqdiyo
bunduq weeyi duniduye
afrikaay is buuroo
isasoo bahaystoo
midka baal u leexdana
basar wax ugu sheegoo
ku balama dagaal

israaiil ma booobeen
carab uma badheedheen
nabad kuma bariisteen
baydkii illaahiyo
barxadii rasuulkiyo
waxaan loo banayniyo
bakhti kuma dhex kariyeen
kaare kuma burburiyyen
bili kuma ciyaareen
hadaan muruqa buuxiyo
isticmaarku baal jirin
bayda u garaacayn
waa bahal gumaystuhu
kala baahsanaantiyo
baylahdaada jeceloo
iintuu badka kula helo
kaa bogo qaniinyada
burka kuu dhex galayee
bushimaha dushoodiyo
been weeyi nabaduye
baaruuda qiiqdiyo
bunduq weeyi duniduye

Exit mobile version