ruux kuu jidboodoo
kuu jeelan adigoo
dhiban lama jikaaree
ma ogtahay sidii jibin
jeerooy habeen tahay
ka hilacday jiidali
ama jawhar iyo luuq
jaahaaga walac laa
indhahayga jiitee
wabigii jacaylkaa
igu soo jibadiyo
jeenyaha i saaree
ha ii jabin cadaawha

ruux kuu janjeedhoo
kuu jeeda adiguun
jarka lagama tuuree
ma ogtahay jamaalkiyo
joogaaga quruxda leh
markii aan jaleecaa
jiririco i qabataa
jaahaaga walalaclaa
indhhayga jiitoo
wabigii jacaylkaa
igu soo jibadiyo
jeenyaha i saaree
ha ii jabin cadaawha

Exit mobile version