tacliin boorame u daa
hargaysa tixda maanso iyo
tisqaadka faneed u daa
barbara taariikh fog iyo
timaanta jacayl u daa

togdheer hanti dhaqasho iyo
tacabka xoolaha u daa
sanaagna dalxiis tag iyo
tamashliyo u daa qurux
taleexiyo laaska bari
dhamaan tayadii u daa

dunida umad loo tagana
markay tahay soo dhawayn
tahay soo dhawayn tahay soo dhawayn
bulshada gayigaasi taal
taashkii gobonimo u daaa

tusmana sanaag bal arag
fooxiyo beenyada ku taal
tabiyo xeelbaa ifkiyo
aduun lagu kala tagee
gabilay turuq maal u daa

halkii lagu soo tarmiyo
taariikhda bal saylac eeg
tiirarkii dulqaadkiyo
taalada bali gubadle dhawr
hadii samo lagu tartamo
oodwayne tag oo bal aad

Exit mobile version