dhamays qurux dhiibsaneey
dhabeel dhaqan toosaneey
qalbiga waan kugu dhigee
dhankeen kuu soo maraa

halyay geesigaan dhugtow
haldoorta mar dhiiriyow
dhigaa waan kaa xushee
dhiigayga ma kuu shubaa

dhabtii waan ku haybiyaa
agtaadan ku dheefiyaa
aday iigu kaa dhantoo
naftaan kuu dhiibayaa

aduunbaan ku dhaadayaa
bogaan kugu dheehayaa
dhibkaan kuu diidayaa
dhaayaha kuu saarayaa

is dhawray is dhawray is dhiirin
dhuganay dhuganay is dhiirin
hadeer isku dhaaranee
farxada ma is dhaafsanaa

Exit mobile version