dhabanada casaankee
lagu dheehay quruxdiyo
dhexda madag la moodiyo
luquntaadan dhabiga ah

dhoolaha cadaankiyo
ciradkaaga dhuxusha ah
timahaaga soo dhacay
dhicnayada u kala dagay
dheerida laxaadka
ayaa ani i dhaawacay

aroos aynu dhiganee
igu soo dhawoow
dhabtaadan i saaroo
dhooldhooli caashaqa
dhunkashana i deeqsii

qurux dhalan wanaageey
sidaad iigu dheertay
dhamay waxaan idhaahdaa
naftu show ku dhaaftee

baradaad ku dhalatiyo
dhabtii hooyadaabaad
dhamays ugu barbaartoo
dhidigaba asaagaa
RABIBAA ku dhaafshoo
kuma dhinac istaagaan

Exit mobile version