Dhabanadaa casaankee
lagu dheehay quruxdiyo
dhaxda madag la moodiyo
luquntadan dhabigaa
dhoolahaa cadaankiyo
ciridkaagan dhuxushaa
timahagan so dhacay
dhinacyada u kala dagay
dheerida lixaadka
aya ani i dhaawacay

aroos aynu dhiganee
igu so dhawow
dhabtadana i saaro
dhool dhooli caashaqa
dhunkashana i deeqsii

qurux dhalan wanageey
sidaad igu dheertahay
dhamal waxaan iraahda
naftu show ku dhaafte
barataad ku dhalatiyo
dhabtii hooyadaa baa d
hameys ugu barbaartoo
dhadigaba asaagaa
rabi baa ku dhaafshoo
kuma dhinac istaagaan

aroos aynu dhiganee
igu so dhawow
dhabtadana i saaro
dhool dhooli caashaqa
dhunkashana i deeqsii

Lyrics by Moha wali

Exit mobile version