Dalmar:
Dartee wali maad wareertay
Dartee wali maad walaacday
Intaa qiiq hore wareertay
Warkeega miyaad ku daashay

Yurub geeno:
Wiilasha indhahayga daawo
Ilmada walac tiray ufiirso
Ka garo caashaqan iwiiqay
Wadnahu siduu ii ruxmaayo

Dalmar:
Haddaan kula waabo hooy
Xiskana wehel kaaga dhigo
Amaad wajaqdaa
oo aad wajqdaa hadhooto

Yurub Geenyo:
Walaaca ka daa jacaylka
Adoon warka sii warwarin
Kalsoonidu waa wax wayn
Ka tali nolol wada jirkeena

Dalmar:
Waxyaaha nafta hoo gudoon
Gudoon hoo gudoon
Dagna qalbigayga waro

Yurub Geenyo:
Dhaaxaan kali soo wadee
waynee caashaqa sideeda

Exit mobile version