hargaysaay haweeyaay
runtii lama huraaneey
xaruntii haldoorkaay
halkii ugu horaysee
calan laga hirgaliyaay

hindisiha farshaxankiyo
hoygii dhaqankiyo afkaay
baradii halyeeygaay
fanka haybadiisaay hargaysaay
hiiliyaha abwaankaay hargaysaay

hobeey ciidaada hodanka aheey
hargaysaay hargaysaay
hobeey hanfi iyo kulayl ma lahoo
hargaysaay hargaysaay
hobeey hargab lagama qaadoo
hobeey hawadaada luxubi
hobeey habeen kaama dhoofeen

hargaysaay kal deeqaay
hooyadii barbaartaay
hal qabsiga aftahankee
hidaha soo jireenka
saldhig lagu habeeyaay

horseedkii aqoontaay
hawraar isku baantaay
hibadii geeska afrikay
hal abuurka eraygiyo hargaysaay
guri loo hiloobaay hargaysa

Exit mobile version