hadii dumar aynigaa
eegmiyo bilic uu lahaa
asluub lagu soo hirtiyo
akhlaaq iyo sharaf lahaa
itaal iyo qaab dhismiyo
akhyaarnimo uu lahaa
illaah tuu siiyayee
idil cabdaay waa adiga
ileen wali aynigaa
indhaha lamma saarinoo
illaacadu kaa asturan

hadii dumar aamin lahaa
adeeg qanimo lahaa
ashqaal iyo hawlkarnimo
adeec maqal uu lahaa
aftahan eray gobeed
astaan marwo uu lahaa
illaah tuu siiyayee
idil cabdaay waa adiga
kolay wali aynigaa
indhaha lama saarinee
ilaacadu kaa asturan

Exit mobile version