naftayda ku jecel oo awgaa u jiiftoo
judi iyo xanuun macaan waan kuu jabee

jaakiraada caashaqa ka jooji
adigu hoy ka jooji adigu ka jooji
jaliilkeen ka yaaboo ha jiidan
adaa iskay baree ha jiidan

wiilkii aan jantaba jacaylkiisu haduu i gubayo
marna ii jixan jixayn ilayn waa jaahilee

jah wareerka caashaqaan anigu ka joogay
jees jeeska wiilashaan ka jeestay
idaa jacayl yohow idaaa

adigaa jiroon aawadaa u jarayee
jalkii aan cunee macan waan juuq gabee

jaalahaan bartaba qalbigayga jiitaba
jiro iyo xanuun jirab adag hadu i galinayo
by masuul.com

Exit mobile version