jabuutaan karaamiyo
sooryo kaamil leeyahay
inaan kaalin qaadaan
ku aroos isleeyahay

kismaayiyo wajeerbaan
kalkan la iiga baaqoo
dhexda inan ku noolbay
naftu kaalay leeday

xamar kaan wadaagiyo
koonaha hargaysiyo
kalsaneey garoowaa
kolba la iiga wacayaa

qoraxay kashaydiyo
jigjigaan ka maydhmine
ha kifaaxdo laabtuye
kol i geeya dhagax buur

xarunt kitaabkiyo
kursi laaso yaalo
ka samaysan dahabaan
ku fadhiiso leeyahay

qiimihii taleexiyo
kaalmihii shilaadiyo
boorama korkeedaan
ku dabaaldag lee yahay

qalbigaa ku dirsada
baydhabo ka maarmini
nimcada karuurane
i kor geeya baladweyn

Exit mobile version