Adaa deeqaay ugu wacan
Dumarka hablaha ugu wacan
Dookhayguna aduu ku raac

Dabciga caqligiyo kartida
Dadnimadaadaan jecloo
Naftaa kugu diidasee

Dunida waxa joogo idil
Hadii dahab la iiga dhigo
Kugumaan doorsani kareen

Dardaarankaa lama huree
Sidaan kuu doonayee
Niyadu kuu damacsantahay
Marwooy marwooy
Marwooy caashaqaaguyee

Sidii dirir hoora iyo
Daruur rooboo da,daa
Qalbigu kugu doogsadee

Dibnaha qosolkiyo indhaha
Markii aan ku daawadaa
Dareen igu saa'idaa

Hablaha inta joogta dibad
Ama se daafaha ku nool
Adaa duurka u sitee

Dardaarankaa lama huree
Sidaan kuu doonayee
Niyadu kuu damacsantahay
Marwooy marwooy
Marwooy caashaqaaguyee

Exit mobile version