dhamays qurux dhiibsanee
dhabeel dhaqan toosane
qalbiga waan kugu dhigee
dhankeen kuu soo maraa

halyey geesigan dhugtoo
hal deertan ma dhiiriyo
dhigaa waan kaa xushee
dhiigayga ma kuu shubaa

dhabtii waan ku haybiyaa
agtaadaan ku dheefaya
aday igu kaa dhantoo
naftaan kuu dhiibayaa

aduunba ku dhaadaya
bogaan kugu dheehaya
dhibkaan kuu diidaya
dhayaha kuu saarayaa

is dhowro is diiri no
dhugane is diire no
hadeer isku dhaarane
farxada ma is dhaafsana

Exit mobile version