qaali maad afgaran
qudhan aawaada
u qandhaysanoo
maad waxuun la qaban

maa qaab awliyaa
halkan kuugu qoriyo
qalbiga wadkood
warkan aad igu tidhi

qalanjooy hadaan
qayb kaa garan lahaa
saw mar hore qisada
kuumaan qaaleen

miyaanad qumane
qiirada jacayl
qaabilaada wacan
qiimayni karayn

laabtuu qabsaday
qasbayuu xukumay
amar qaadatee
maantaba qorshaha
isla wada qirnee
qalbigayga hoo

muxibada qafilan
aadamaha qabee
badanaa qarsaday
ana qiimigii
qaayahaygiiyoow
qalbigayga hoo

Exit mobile version