Waa dhiiga mudug
Qurux loo dhameeyee
Waa ubax dhashoo
Gadgaduudka baxay
Waa dhalaal xardheer ka muuqatoo
Waa gobtii hadaaqiyo
Dhalaalsanaa ala dhalaalsanaa
2x
Waa dhabeel faceed ka masayra oo
Waa dhidib nolosha lagu tiirsadoo
Waa dhanaan macaan
Aan qaraar lahayn
Dhan kastaba haween loogu deeqayoo
2x
Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo
Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay
Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo
Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay
Maalintaan bartaa nolol dhaba galee
Nolol dhaba galee nolol dhaba helee
2x
Waa nasab jirtoo ina dhiirisee
Waa gacal dhaboo nafta loo huroo
Qalbi dhayo waa naxiis kuu daacadee
Waa dhamays raaqiyo xabiibsanaa
Ala xabiibsanaa
2x
Waa naruuro dheef la tabaandhatoo
Dhuuso mareeb Xatee qalbiyada wacnaa
Waa naftayda ruux aan ku dhaarta oo
Waa dhaayahaan wax ku daawadee
2x
Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo
Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay
Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo
Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay
Maalintaan bartaa nolol dhaba galee
Nolol dhaba galoon nolol dhaba helee
2x

Exit mobile version