intii aan maqnaa
ulashada dareen
baan la ooyayoo
waan u oomanaa

aniguba xiskaan
ka ilmaynayee
aadmiiga uunbaan
ka yar aamusnaa

sow iima tihid
nuurkii indhaha
sow iima tihid
ayaankii rajada
sow iima tihid
janadii ifkiyo
awoodii qalbiga

sow iima tihid
oontira jacayl
sow iima tihid
ima dhiba i dhaya
sow iima tihid
ooridayda iyo
itaalkii wadnaha

axdigeeniibaan
sii adkaynayoo
amarkaagiibaan
sii adeecayaa

aniguba arlada
umadaa ku nool
ma arkee cid kale
oon adiga ahayn

sow iima tihid
nuurkii indhaha
sow iima tihid
ayaankii rajada
sow iimatihid
janadii ifkiyo
awoodii qalbiga

sow iima tihid
oon tira jacayl
sow iima tihid
ima dhiba i dhaya
sow iima tihid
ooridayda iyo
itaalkii wadnaha

sow iima tihid
nuurkii indhaha
sow iima tihid i
ma dhiba i dhaya
sow iima tihid
janadii ifkiyo
awoodii qalbiga/ itaalkii wadnaha

sow iima tihid
oontira jacayl
sow iiima tihid
ayaankii rajada
sow iima tihid
ooridayda iyo
awoodii qalbiga

Exit mobile version