VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa qani dalku - Lyrics

Wabiyada durdura iyo Waasaca dhulkeeniyo Waaxyaha barwaaqada Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen 2× Buurihiisa wacaniyoo Badihiisa waadhanoo Barwaaqadu ku weyntahay Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen 2× Dhaqashada wanaagsaniyo Dhirta waaxayaheediyo Wagarkiyo qadhaabkiyo Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen 2× Kaliil aad la wiiftiyo Barafiyo waxyeeliyo Weyne waa kaa dhawree Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen Waligiin ma eegteen 2× Wiriskiyo ugaadhiyo Cishinkiyo waraabkiyo Wiishiyo biciidkiyo Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen Waligiin ma eegteen 2× Wabax geela iyo adhi Weylaha casaankaa Wankalaale faraskiyo Wuxu eebe noo dhigay Waligiin ma eegteen 2× Waaxidkii na uumayna Mahad ma uga wariseen Idinkaa warmoogee Weedhayda qaatoo Hibo weeye gaaroo Waa la helaanoo Ee dhulkeenu waa hodan Waa hodan waa hodan Ee dhulkeenu waa hodan 3×
Queue is empty
-- / --