VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Waa qani dalku mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Dalmar yare
Waa qani dalku

Wabiyada durdura iyo
Waasaca dhulkeeniyo
Waaxyaha barwaaqada
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen

Buurihiisa wacaniyoo
Badihiisa waadhanoo
Barwaaqadu ku weyntahay
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen

Dhaqashada wanaagsaniyo
Dhirta waaxayaheediyo
Wagarkiyo qadhaabkiyo
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen

Kaliil aad la wiiftiyo
Barafiyo waxyeeliyo
Weyne waa kaa dhawree
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen
Waligiin ma eegteen

Wiriskiyo ugaadhiyo
Cishinkiyo waraabkiyo
Wiishiyo biciidkiyo
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen
Waligiin ma eegteen

Wabax geela iyo adhi
Weylaha casaankaa
Wankalaale faraskiyo
Wuxu eebe noo dhigay
Waligiin ma eegteen

Waaxidkii na uumayna
Mahad ma uga wariseen
Idinkaa warmoogee
Weedhayda qaatoo
Hibo weeye gaaroo
Waa la helaanoo
Ee dhulkeenu waa hodan
Waa hodan waa hodan
Ee dhulkeenu waa hodan

codkii Dalmar yare, Nimcaan Hilaac