Diidayay markii hore
Sidaan kaaga dabadhacay
Doorsoomay daraaadaa
Dadka waa ila yaabaan

Kan ihelay anniga
Dawo ma leh
Yaanan kugu danbeeninee
Runtii maan daaleen

Doogtii jaceylkaa
Igu sii doxeesoo
Dab baa igu shidmaayo
Dareemaha jirkayguyee

Kan idilay anniga
Dawo ma leh
Yaanan kugu danbeeninee
Runtii maan daaleen

Adigoon idooneen
Anigaa ku doortoo
Hablo dunida joogaan
Deeqaay kaa jeclaadee

Ha igu dilin Jaceyl
Dawo ma leh
Yaanan kugu danbeeninee
Runtii maan daaleen

Exit mobile version