Waxaad matashaa qurayshtii makaad
Mar kale xuural cayn la mood dheehaay
Qalbigu malabeey mashquul kugu noqoy

2x

Mooyiye habluhu kaa wada maseer
Dhedigaa marlay kula muunad iyo
Mid kusoo xigtiyo mataalkaa la waa

2x

Indhihii mar qudha
ku yar milicsadaa
Kaa maarmi waa
Dhagihii maqla weedhaada mudan
Way maqsuudayaan
O marwoow dartaa malaayiin hablo ah
Loo mehersan waa

2x

Waxaad mid tihiin
Dayaxa mugdigii
Iftiin ku masaxay
Mar kale aragtida
Misbaax nuuraay
Amaan mudnidaa

2x

Milga iyo aqlaaq
Muuqaa qurxoon
Iyo hadal macaan
Mawlo kuu dhashiyo
Muran igama galo
Ina tahay muhiim

2x

Indhii mar qudha
Ku yar milicsada
Kaa maarmi waa
Dhagihii maqlaa
Weedhaada mudan
Way maqsuudayaan
O marwoow dartaa
Malaayiin hablo ah
Loo mehersan waa

2x

Exit mobile version