Bilic muuqa bidhaanteedu boga deeqday
Indho buuxsha i bogsiiya igu beeran
Soo dhamayso burjigeedu
Ma bayaamin ma bayaamin
2x

Bilyan dhaana baxsantayda ku baraarey
I baxnaansha biligeeda ku badbaadey
Kaarka biiya qofki bartay baaqa waaye
Waa bilaahi farxad beera
Bilcan weeye bilcan weeyee
2x

Dhibka baaja lurka baanta boqoradeyda
Waana barkii noloshaydani buuxinaayay
Ooboshada inta joogo ma buseelo
Oobosharka ruux kalena uma baahdo
Ooboshada inta joogo ma buseelo
Oobosharka ruux kalena uma baahdo
2x

Bilan edeb ku barbaartay loona bogey
Qof baariya qof bislaadey oo bashaasha
Soo haldhaa badankeyga
Kuma beerin kuma beerin
2x

Beer lula markaan bartay ku mabsuudey
I bogsiiya bidhaanteeda ku qaboobay
Booga dhaya badankaygana u baneeyay
Waa bilaahi bilisoo dhan
Kala baxay kala baxay
2x

Dhibka baaja lurka baanta boqoradeyda
Waana barkii noloshaydani buuxinaayay
Ooboshada inta joogo ma buseelo
Oobosharka ruux kalena uma baahdo
Ooboshada inta joogo ma buseelo
Oobosharka ruux kalena uma baahdo
2x

Exit mobile version