si kastoo dadaal iyo
wakti door uga lumo
dameer gaadhi waa faras

dir waxay wadaagan
shimbiraha dawaafo
digaag baalal kuma yara
misna duuli kari waa

ku dayaad dad lumise
mugdi dama habeenimo
dayaxa iftiinsho
waa dabiici nuurkuye
ha ku daalin ruuxadani
way kaa da'a weyntahe

inkastoo u duugiyo
dami qool is leedahay
dushaan kaala jooga

dacawiyo libaax
dhulku waa u wada hoy
misna kala danbayn iyo
diwaanba u kala qora

ku dayaad dad lumise
mugdi dama habeenimo
dayaxa iftiinsho
waa dabiici nuurkuye
ha ku daalin ruuxadani
way kaa da'a weyntahe

Exit mobile version