reerkaan dhisayniyo
axdigii maxaa rogay
rasmi caashaqii galay
raka sare maxa sudhay
kala raaara naga dhigay
axadkii rogrogo talo
samaanteeda raadshaa
rugta ugu haboon dhiga
xumo laguma raage
waa la iska riixaa
ruux ku jecel aduunyada
lama rubad wareemee
kalgacaylku waa rune
raxmaay ha ina kala ridin

raadka sheekadeeniyo
reexaanta caashaqa
markaan rcubta guranaa
qalbigaygu raystaa
labadii rafiiqee
riyo been la sheegiyoo
balantuna raqiis nqon
way is raali galiyaan
hadii uu illaahay
aqbal iiga dhigi lahaa
ifka adiga mooyee
inan kale aduunyadan
aroos lama wadaageen

Exit mobile version