Dhamays dumarbuu ayaansan
Mawluhu ii dooray goorsan
Jacaylka kudaartay nuursan

Nabdiga ruuxdayda dookhsan
Runtii kuu digaaya waasan

Adaa dar allee nasiibsan
Dar allee nasiibsan

Dibnahaa erayada macaan
Dhagtii maqashaa dareensan
Naftaa doontoo dhagaysan

Dhagiyo qalpigani xambaarsan
Daweeya gabar ammaansan
Dugsiga hadda ii tilmaamsan
Hadda dugsiga ii tilmaansan

Doortaan yartaan
aroosaan
Ducada waalidkeedu raacsan
Qalpiga iyadaa daweysan

Dibnahaa erayada macaan
Dhagtii maqashaa dareensan
Naftaa doontoo dhagaysan

Exit mobile version