Kalgacayl xaddhaafoo
Xawaareenaya baa
Xeradaan ku noolahay
Xalay igu soo galay
Durbaba xanuun baa
Xidaddada dhaxqaadoo
Xabadkayga dagayoo
Aan la xiiqayaa wali

Ma xisaabi karayoo
Sida xaalku iga yahay
Ruuxaan shalay xumeeyaan
maantana uxeranhay
Ruux aan shalay xumeeyaan
Maantana uxiisay

Qof walboo xasuusnaw
Waxaad xeerataabaa
Xaansho kugu qoranoo
Xaqiiqdiina waad heli
Anna maan xurmayninnee
oo maan xaqdhowrinee
Anna maan xurmayninnee
oo maan xariirinee
oo xubigaa iqabtee
Waa taan xakaartee

Ma xisaabi karaayoo
Sida xaalka iga yahay
Ruuxaan shalay xumeeyaan
maantana uxerannahay
Ruux aan shalay xumeeyaa
Maantana uxiisay

Exit mobile version