aliflee walee ifka
kumanan araga
ifka kuma arag idiloo kale
inan loo dhigee

waa helo khayr
ixtiraam gobee
lagu abaabiyo
ehel looga dhigaye

ubax weeye ifoo
hobyo aan ka arkee
indhahaygii arkaa
ku ildoogsade
ma iloobi karee
eshcalaa quruxlee

inan la guursado
aqal lala galo
oori laga dhigtaa
runtii waa ayada

dhamaan unugyadiyo
uurkiyo wadnahee
ku abuurantee
waan aaminee

ubax weeye ifoo
hobyo aan ka arkoo
indhahaygii arkaa
ku ildoogsade
ma iloobi karee
eshcalaa quruxlee

Exit mobile version