adoo laxash ii wadaan
wadnaha kugu siii haya
adoo walwal ila rabaan
wacnaan ana kuu sidaa
markaad cadaw ii wadhaan
nacabka kaa waabiyaa
adoo waran ii sitaan
anigu wehel kaa dayaa
adoon i wanaajinayn
ayaad igu wayntahoo
hadaad is leedahay waxyeel
walaac kuma badi karee
wadbaan nolol moodayaa

walaac kuma badi karee
wadbuu nolol moodayaa

markaad sun walaaqdidbaa
waheey subag kuu dhigaa
adoo wajigay gubaa
waliba dhiig kuu shubaa
markaad bohol ii wadaa
dixaha kaa weeciyaa
adoo igu wacad furaan
xumaha kaa waaniyaa
adoon i wanaajinayn
ayaad igu wayntahoo
hadaad is leedahay waxyeel
walaac kuma badi karee
wadbaan nolol moodayaa

walaac kuma badi karee
wadbuu nolol moodayaa

Exit mobile version