wacdiga diintiyo
waayeel horaa yidhi
rag wax u wacan midka
reerkii wanaajiyee
waqti sii marwadaada

nacab weererkiisiyo
xaasid weedhuhuu sido
adaa ka waabin kare e
waqti sii marwadaada

waa wehelka noloshaada
waa waxtarka aayahaaga
waa wax sheega dareenkaaga
waa ubadkaaga hooyadood
waqti sii marwadaada

dadka waxa u xoog wayn
ruuxii waqibay laabtee
uurkana fidi weerar
ka car way gaadhee
waqti sii marwadaada

waa wakiilka eheladaada
waa maalin ubadkaaga
iyo waa nasiibaantee
waqti sii marwadaada

Exit mobile version