Xidigdii Qarnigan iyo Quruxdii Aduunkaay
Qorax soo baxaysiyo ubax oo qoslaayaay

Rabi too u qormeeyee
Sharaf lagu qotomiyaay
qaararkeeda waaxyaha qalad laga ilaalshaay

Haduu qaadir kaa dhigay
Humar taan ka qaayibay
Qofna kulama simayee
Sidaan kuu qadariyo u qiimee kalgacalkan

Qaboowgii janada iyo qooyskii fardowsaay
Qooraansiga iyo dhugashada laabtu teey ku qanacdaay
Ii qaas aheeydee
Hanaan loo qorsheeyaay
Indha qabatinkoodii
Naftu ku ashqaraartaay

Haduu qaadir kaa dhigay
Humar taan ka qaayibay
Qofna kulama simayee
Sidaan kuu qadariyo u qiimee kalgacalkan

Lyrics by : Sharmake

Exit mobile version