cadaan iyo qurux casaana indhaha cawshiyo ilwaadka
ceegaag suniyaha caboon sidii qaansadii cabiran
hagaag cidhifyada ku xidhan
hoheey caashaba hablaha iyadoo caynkaa ka dhigan
cabaadhyaha luqunta iyo culays gubay leedahaan
amaan carab koobi karin
guduud camalkaan lahaa caqliga garashada haboon
sidii xuuralcayntii dumar hablahay kaba caan tohoo
wanaageeda cajaba
cudoon hibashada edaabta asluubtiyo camal wanaaga
waxa dhalay caalim sheekha anaa ku calmaday hanaanka
casiis uga dhigay horyaalka
hoheey hadalkiyo codkeedu malaha cadho iyo xumaanto
ciiltira weeyaan nafteedu dareen ku casuumay dookha
kalgacal runa kula cawayso

Exit mobile version