sida haadka duulee
dusha sare dawaafee
dagdag usoo dagee
adaan kuu dul joogaa
siduubuu daraadaa
iilaba dibleeyayoo
cishqi ugu darooroo
anoo kuu diyaaree

daruuryahay da,aysee
biyuhuna durdurayaan
dhulku doogo siman yahay
ku dareertay duunyadu
siduubuu daraadaa
iilaba dibleeyayoo
cishqi ugu darooroo
anoo kuu diyaaree

Exit mobile version