waxaan dirayaa fariin
waxaan dugsadaa rajada
waxaan daydayaa adiga
dushaan kaa ilaashadaa
jacaylkaan u daacad ahay
dhibkaan ku diidayaa
ruuxii isku kaaya dirayaa
dadkaan ka qoonsadaa
duruuftiyo waayaha
xidhiidhkeenii dilee
hadaanse diyaar u ahay
inaan kula daadahshee

waxaan ku gam,aa daren
jacayl uu ku daahan yahay
waxay doontaa naftani
inaad dadka ugu xigtee
cishqigan diirkiyo qalbiga
jidhkayga dubaaxiyee
damaca ii kaa dul sudhay
ayaa ana ila dagee
duruuftiyo waayaha
xidhiidhkeenii dilee
hadaanse diyaar u ahay
inaan kula daadahshee

Exit mobile version