Heedhe ina keeen may
De hadaad diiday orod ilameerayso
Hadalka badaniyo humaaga qariniyo
Hawsha marabee heedhe ila dhaaf may
De hadaad diiday orod ila meerayso

Reerka hooyo kaalay ma u horseednaa
Aduunka horumaray ma uhayaana may
De hadaad diiday orod ila meerayso
Inaan ka hadho anaa ku haystoo
Hawraarta beentiyo hawada ila dhaaf
Hore usii soco may
De hadaad diiday orod ila meerayso

Hilib walaaliyo hal qudhaa nahee
Hiil ma ii noqon may
De hadaad diiday orod ila meerayso
Hilib walaaliyo hal qudhaa nahee
Hiil ma ii noqon may
De hadaad diiday orod ila meerayso

Exit mobile version