hadaan kaa shego shir
jacaylka u dido shar
shaqada dabadeedna ah
shaadhkiyo kaa saaro dhar
shumuciyo kuu daaro nuur
intaan wada shubano shaah
sheekiyo kula qaato war
shidiyo kaa naaro shar
nacabka sheekadiisa tuur
shuushkiyo sadexeeye xidh
sheeg sheegahana ha u sheegan sir
sharafta kalgacaylka qir
shantiyo haku taagin far

jacaylka u sheego xor
sheediyo haka eegin kor
shuruud haku xidhine qir
qalbigaad ku shakaashay fur
sheekiyo ka ilaali lur
sharciga kalgacaylka dhawr
shisheeye ha u sheegan war
shartiyo xumahooda jar
nacabka sheekadiisa tuur
shuushkiyo sadexeeye xidh
sheeg sheegahana ha u sheegan sir
sharafta kalgacaylka qir
shantiyo haku taagin far

Exit mobile version