Jacaylka adaa ibaray
Adaa ibaroo igu beeray
Hadana iibaanan waayey
Markaan boholyowga awgaa
Adaa meelkale ubooday
Wanaagii hadaad kabooday
Hadaad barashadii xumaysay
Been been ha IGA moodine
Ogow ana waan ka baxay

Jacaylka adaa ibaday
Adaa ibadoo iigu baaqay
Hadana iibuuxin waayey
Anoo ku baxnaaninaaya
Adaa meelkale ubooday
Wanaagii hadaad ka booday
Hadaad barashadii xumaysay
Been been iga moodimayside
Ogow ana waan ka baxay

Exit mobile version