Bal dhugoo jacaylbaa
Igu jeeni qaartee
Naftu waxay jeclaataa
Hanaan joogsigaagee
Markaad jabaqda hadashaad
Jidhiidhico iqaadoo
Jawaab farax madaayee
Huuno faraxmadaayee
Jawbaad igu abuurtoo
Adigaan Ku jecelehee
Jaanta ila qaadoo
Ila jiibi caashaqa

Bal dhugoo jacaylba
Jidhka igu talaashoo
Jamaadkiyo buruudkaad
Jiidatay qalbigoo
Sidaan kuugu jeelnahay
Adaan kuu jibaysnahay
Hanad kale majirine
Alla kale majirine
Jawaad igu abuurtee
Adigaan Ku jecelee
Jaanta ila qaadoo
Ila jiibi caashaqa

Exit mobile version