dharaartaan is baranaa
dhoon horaadka caashaqa
ii saartay dhabarkoo
kama dhigine ma ogtay

jacaylkeenu waa dhane
ha inaga dhaxaysee
nafta ma isu dhiibnaa
dhiiga ma isu miirnaa

dhalaan iyo sidii curad
dhabtaydaan ku saariye
adna dhabarka igu qaad
kuuma quudhee ha iga dhicin
ha iga dhicinoo ha dheeliyin

dharaartaynu kulanaa
dhaydiisa caashaqa
ii dhiibtay adigoo
sidiibaan u dhamayaa

adaa dhaliyay caashaqa
ana waa ila dhaadhacay
dheefiyo dhibkiisuba
wuu ina dhex yaalaa

Exit mobile version