jacayl igu fadaadyiyo
dareen igu fogaada
igu kaa dul furayoo
sidaan kuugu foognahay
u fadhiisan waayee
waxaa aan ku filayaa
furihii kalgacalkoow
inaan faraha kugu dhigo
adna igu filnaatido
farxad aan wadaagnee

fariimaha jacaylkiyo
falaadhaha kalgacalkaa
naxariista fidiyoo
sidaan kaaga fiirsaday
fudayd maaha xaalkuye
waxaa aan ku filayaa
furihii kalgacalkoow
inaan faraha kugu dhigo
adna igu filnaatido
farxad aan wadaagnee

Exit mobile version