muuqaaga aragaa
markii aan ku eegaba
waxaan maanka galiyaa
huuno kugu masaallaa
sida laan madheedhoo
manka iyo caleenkii
ku mataashay midhihi
midkii lay i qoraayoow
kaa maarmi maayee
noloshiyo macaankeed
ila mudso caashaqa

muxibada jacaylkaa
qalbigayga miratoo
xiisahaagu igu maran
meel qudhaan ka jeedna
marwo iyo ninkeedii
midigaydii noqotee
ku midawnay aayaha
midkii lay i qoraayoow
kaa maarmi maayee
noloshiyo macaankeed
ila mudso caashaqa

Exit mobile version